Madaxweyne Xasan oo ka deyriyey qaabka uu ku socda barnaamijka New Deal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo ka deyriyey qaabka uu ku socda barnaamijka New Deal

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad lagu qabta magaalada Garowe ayaa sheegay in barnaamijka New Deal uu ku socda qaab gaabis ah.

Xasan Sheikh Maxamuud waxaa uu shegay in barnaamijkaasi qaabka hadda caalamku u wado uusan ahayn qaab Soomaaliya u baahantahay waxaana uu ugu baaqay in si deg deg ah dib u eegis loogu sameeyo .

“Beesha caalamka kaalmadeeda iyo niyad samideeda waa ku mahadsantahay, waana ku amaaneynaa, laakin arrinta la yiraa New Deal-ka  waxaan u baahan nahay in si dhab ah dib loogu eego, sida hadda uu yahay ummadda Soomaaliyeed kuma anfaco” ayuu yir madaxweyne Xasan Sheekh.

Barnaamijka New Deal ayaa ahaa mid loogu talagalay in Soomaaliya lagu taageero, islamarkaana lagu gaaro nidaam doorasho sanadka 2016 uga dhici karto Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!