Kuwait, Mareeg.com: Madaxda wadamada Afrika iyo Carabta ayaa lagu wadaa iney dalka Kuwait shir ku yeeshaan 19-20-ka bishaan socota ee November 2013.
Shirka ka dhacay caasimadda Kuwait ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta maalgashiga, horumarinta iyo ganacsiga u dhaxeeya dalalka carabta iyo Afrika, waxaana ka galaya in ka badan 64 dal.
Wariika arrimaha debadda Soomaaliya ayaa iyadoo ku sugan dalka Kuwait waxey u sheegtay wrbaahinta dowladda Soomaaliya in shirkaas uusan ka qeybgeli doonin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo lagu wado inuu badelkiisa shirkaas tago gudmoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gaari doona dalka Kuwait.
“Shir madaxeedkaan wadamada Carabta iyo Afrika waxaa ka qeybgelaya ilaa 64 dal, waxaana isagoo matalaya madaxweyne Xasan Sheekh shirkaan imaan doona gudoomiyaha baalamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari” ayay tiri Fowsiyo oo la hadashay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Wasirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yusuf Xaji Aadan ayaa gaartay Magaalada Kuwait ee dalka Kuwait oo ay uga qeybgelayso shirka madaxda wadamada Carabta iyo Afrika.
Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamadaasi ayaa Kulan hor dhac ah halkaasi ku yeelandoona 17-ka ilaa 18-bishan iyadoo ay ka qeybgeleso wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Isla wararkaan, wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleyman ayaa sheegay ayaa magaalada Kuwait 12-kii bishaan uga qeybgalay shir ay halkaas ku yeesheen wasiirada maaliyadda dalalka Carabta iyo Africa.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi uu la hortegay sida ay Soomaaliya ugu baahantahay maalgashi, horumarin iyo xiriir ganacsi oo ay la yeelato wadamada Carabta iyo Afrika.
Sidoo kale wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi ay ka soo bixidoonaan go’aanno wax tar u leh wadamada Carabta iyo Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya.
Ma cadda sababta keentay in madaxweyne Xasan Sheekh oo an ka baaqa jirin shirarka madaxda ee quseeya Soomaaliya uu shirkaas u wakiisho gudoomiayah baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana shirkaan kusoo aaday xilli khilaaf xoog leh u dhaxeeyo madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Saacid.
Mareeg.com