Madaxweyne Xasan oo hadal u jeediyey Soomaalida gobolka Minnesota, USA * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo hadal u jeediyey Soomaalida gobolka Minnesota, USA

Mareeg.com: Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kula kulmay jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababaha uu u yimid magaaladda Minneapolis ay tahay inuu jaaliyadda uga war bixiyo xaaladda uu dalku marayo, iyagana ka dhageysto wixii talo iyo tusaale ah.

“Somalia horay ayay u socotaa, lama joogo meeshii shalay, waxaanse leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, iyaguna ciidan ahaan waa wiiqmeen, waxay awoodoodii ku soo ekaatay qarax iyo tooshado, insha’allaah iyagana waan ka adkaan donnaa, kuwa Soomaalida ah ee Alshabaab ku jira waxaa ku xiran hal shuruud oo ah (ku dhawaaqa inaad fowdada iyo qalalaasha joojiseen) waayo waa Soomaali oo dalka ayay wax ku leeyihiin, kuwa Ajinabiga ahna waxaa ku filan naga taga” ayuu si qiiro leh u yiri madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud.

“Illaa maalintii la i doortay waxaan ka badbaaday ugu yaraan 10 isku-day oo Al-shabaab yay doonaysay inay igu disho, waayo waad ogtihiin inaysan cafineyn oday, wiil, madax, gabar iyo qof kasta oo fikirkooda ka hoor jeessta” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inay jirto rajo xoog leh oo laga qabo in doorasho ay ka dhacdo dhulka Soomaaliya.

“Waxaan shaqada imid, iyadoo maamulkii KMG ee naga horeeyay uu runtii wax badan qabtay, inaguna waxaan dooneynaa inaan wadanka ka gudbinno marxaladda uu hada ku jiro, una gudubno in dadku ay awoodda yeeshaan, soona doortaa ciddii matali laheyd, ma dooneyno in Garaad ama Oday dhaqameed dambe uu madax noo soo xulo, waxaan hadda ku howlannaya in 2016 dabayaaqadeed ay doorasho dhacdo, waana nidaamka dimoqraadiyada ee dhismaha xisbiyada, dhameystirka dastuurka iyo hirgalinta Federalka” ayuu xusan madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Mareykanka ku waaniyay inay ka waantoobaan qabyaaladda, wuxuuse uga mahadcelinayay kartida iyo awoodaha ay leeyihiin.

“25 sano oo dhibaato iyo qabyaalad ah waa nagu filan tahay, aan hore u soconno oo aan nabadda ka wada shaqeyno iskana hilmaanno caddiifada qabaliga ah” ayuu yiri Xasan Sheekh

Guddoomiyaha qurba joogta Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Fartuun Cabdulle Maxamed ayaa sheegtay in madaxweynaha ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa arrimaha nabadgelyada iyo midnimada, si looga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

Fartuun Cabdulle ayaa tilmaantay in madaxweynaha uu ugu warbixiyay jaaliyadda dadaallada nabadda ee ay waddo dowladda iyo guulaha laga gaaray Al-Shabaab.

Waxey kaloo sheegtay in madaxweynaha uu kala hadlay jaaliyadda sida qurba joogta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Dhinaca kale qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Mineapolis ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay mudaaharaad ka dhan ah madaxweynaha, kuwaasoo dowladda ku eedeeynayay musuq-maasuq iyo inay ku fashilantay arrimaha ammaanka.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ugu qeyb galay shirkii dhawaan lasoo gabagabeeyay ee ay yeesheen madaxda Afrikaanka iyo Mareykanka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!