Madaxweyne Xasan oo guusha ugu hambalyeeyey R/wasaaraha UK, David Cameron * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo guusha ugu hambalyeeyey R/wasaaraha UK, David Cameron

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

Anigoo ku hadlaya Magaca Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaad iga guddoontaa hambalyo diiran adiga iyo xisbigaaga, gaar ahaan guushan weyn ee aad soo hoyseen ee kuu suurageliyey in mar labaad laguu doorto jagada ra’iisul wasaarenimada’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cashar ka barteen doorashadan , maadaama la isku diyaarinayo in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016 muddo dheer kadib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal xiriirkooda uu sii xoogeysan doonno, islamarkaana Britain ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.