Madaxweyne Xasan oo gudoomiye cusub u magacaabay maxkamadda sare ee ciidamada
Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacabaay gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, xilkaasoo uu horay u hayey gudoomiyaha xilligan ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida u magacaabay Gaashaanle Sare, C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ah nin dhallinyaro ah.
Guddoomiyahani cusub ee maxkamadda ciidamada qalabka sida loo dhiibay G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa horay uga mid ahaa hey’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
C/raxmaan Tuuryare ayaa xilal kale duwana ka soo qabtay hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, sida hogaanka arrimaha dibadda, hogaanka baarista dambiyada, hogaanka tababarada iyo qorsheynta.
Gudoomiyaha cusub ayaa ah nin qaanuunka dowliga ah Master digree ka heysta, isagoo ku soo bartay dalka Masar.
Mareeg Media
Comments are closed.