Madaxweyne Xasan Oo Golaha Amaanka Ka Codsaday Qaraar Si Cad Loogu Taagerayo Ciidamada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Oo Golaha Amaanka Ka Codsaday Qaraar Si Cad Loogu Taagerayo Ciidamada Soomaaliya

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay taageeraan baaqyada ah in la taageero ciidamada dowlada Soomaaliya, lana kordhiyo ciidamada AMISOM.

Baaqa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa yimid ka hor inta uusan furmin kulan gaar ah oo ay maanta bishu tahay 30 October Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelanayeen arrimaha Soomaaliya.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee manta ayaa diirada lagu saari doonaa inta la ekaaneeyso taageerada dhanka farsamada ah oo ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sido kale ka doodi doono talooyinka ah in la baraaiyo tirada ciidamada AMISOM oo lagu soo daro 6,235 oo askari oo isugu jiro milatari iyo boolis, lana gaarsiiyo gobollada aan wali geeyn ciidamada AMISOM.

Taageerada dowladda Soomaaliya dooneyso in la siiyo ciidamadeeda ayaa waxaa ka mid ah in laga gacan siiyo dhinacyada gaadiidka, cuntada, shidaalka, gabaadka, iyo daawada si loo xoojiyo ciidamada, awoodna ay ugu yeeshay adkeeynta iyo isku balaarinta goobaha Al-shabaab horay looga saaray iyo kuwa la doonayo in hadda laga saaro.

Madaxweyna Xasan Sheekh oo hadlayay ka hor inta uusan furmin kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo looga hadlayo Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkii la dhaafay horumar balaaran ka sameeysay dhinacyo badan, gaar ahaan ammaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray meelo badan laakiin wali aysan dhamaan, isagoo sheegay in loo baahanyahay in la soo wadi in Al-shabaab laga saaro meelaha wali ku harsanyihiin.

“Ammaanka iyo deganaasha soomaaliya ee waqtiga fog waxa uu hor yaalaa ciidamada dowlada soomaaliya, waxaana ku boorinayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay in ay taageero balaaran siiyaan ciidamada dowlada” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynahu waxuu yiri “Waxaan ka codsaneynaa Golaha Ammaanka inay soo saaraan qaraar cad oo qeexaya in ciidamada dowladda laga taageero dhinacyada logistikada, mushaaraadka, caafimaadka, iyo hubka fud-fudud si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan.Waxaana sugeynaa in Golaha Ammaanka ay tixgelin weyn siiyaan fikirkan saliimka ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya isla markaana ay taageereen Midowga Afrika, isla markaana Xoghayaha Guud ee QM uu isna taageeray”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxda dalka Turkiga oo uu shalay booqasho ku joogay kala hadlay iney riixaan sidii Golaha Amaanku usoo saari lahaa qaraar lagu taageerayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.