Madaxweyne Xasan oo gaaray Jowhar (Sawirro)

Mareeg.com: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Madaxaeynaha iyo wafdigiisa oo ay ka midyihiin Madaxweynaha maamulka Galmudug, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,  Xildhibaano.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu la xariiro sidii uu halkaasi uga furi lahaa shirweynaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamola dhigay wadooyinka laga soo galo magaalada, iyadoo ay xiran tahay wadooyinka mara halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta labada Gobol.

DSC_0974DSC_0961DSC_0957IMG_4707IMG_4683IMG_4682DSC_0951DSC_0928DSC_0920DSC_0918