Madaxweyne Xasan oo Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeed arrimaha amniga Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeed arrimaha amniga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Baxardaar ee dalka Ethiopia oo beri uu ka furmi doono Shirkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Shirkan ayaa looga hadli doonaa doorka qaaradda Afrika ee amniga caalamka iyo hawlgallada nabad ilaalinta.

Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madashan ay madaxda Afrika isku dhaafsadaan fikrado la xiriira qaabka mashaakilaadka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartoum ee dalka Jamhuuriyadda Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah oo laba

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!