Madaxweyne Xasan oo dib u dhigay scodaal rasmi ah oo uu ku tegi lahaa Sweden * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo dib u dhigay scodaal rasmi ah oo uu ku tegi lahaa Sweden

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaabiyey socdaal uu ku joogay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, dibna ugu soo laabtay dalka, si uu uga qeyb qaato, una horkaco dadaal dowladda ay dib u eegis ugu sameyneyso xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo ay dhowaan ka dhaceen weeraro kale oo argagixiso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016.

Booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Soomaaliya iyo Sweden oo uu ka dhexeyn jiray wanaagsan siiba dhinacyada horumarinta, dib u dhiska, soo dhoweynta qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo gargaarka aadmiga ayaa madmadow soo kala dhex-galay kadib markii Soomaaliya la safatay Sacuudi Carabiya sanadkii hore markii ay muran siyaasadeed dhex maray Sacuudiga iyo Sweden.

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, kana wadahadlaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in marka ay xaaladda saamaxdo uu tegi doono Sweden.

Intii madaxweyne Xasan Sheekh ka maqnaa dalka, ayaa waxaa Alshabaab qaraxyo ka geysteen Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana ku dhintay ku dhawaad konto ruux oo rayid u badan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!