Madaxweyne Xasan oo degdeg ku tegaya Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo degdeg ku tegaya Galgaduud

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu si degdeg ah ku gaaro magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud, kadib markii Odayaasha ergada shirku uga socday halkaas ay ku dhawaaqeen in shirka maamulka u sameynta gobollada dhexe lagu qabanayo isla Dhuusa Mareeb.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanata Dhuusa Mareeb, wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa gaaray Magaaladaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku dayaya inuu xal u helo go’aan ay soo saareen odayaasha ku shirsan Dhuusa Mareeb, ee diidan in shirka maamul sameynta lagu qabto Cadaado oo mudo u diyaar garoobeysay.

War murtiyeedka oo ay ku saxiixnaayeen ilaa 9 oday dhaqameed ayaa waxay dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ugu baaqeen in la tixgeliyo baaqooda ah in shirka maamulka Mudug iyo Galgaduud laga weeciyo Cadaado laguna qabto Dhuusa Mareeb.

Odayaasha ayaa arrintaan sabab uga dhigay in wax walba ay ku diyaarsan yihiin Dhuusa Mareeb, hadii ay ahaan laheyd Ciidamadii sugi lahaa ee AMISOM ka socday iyo Ergooyinka shirka ka qeyb geli lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 10-kii bishii Febraayo tagay Dhuusa Mareeb ayaa iclaamiyay in shirka maamul u sameynta lagu qaban doono Cadaado, iyadoo baaqaas ay taageereen ergooyinkii ka qeyb galayay shirkaas, waxaana Madaxweynuhu uu ku sii daray in 1-da bisha Maarso la isugu tago cadaado, shirkana uu furmo, balse uu dib u dhac ku yimid.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in shirka maamul u sameynta lagu qabto Cadaado, hase ahaatee waxaa soo baxay dad doonaya iney weeciyan, iyadoo laga cabsi qabo in taasi keento khilaaf cusub oo ka dhex abuurma beelaha ku dhaqan Gobollada Dhexe.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.