Madaxweyne Xasan oo dalka kusoo laabtay xilli laga dalbaday iscasilaad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo dalka kusoo laabtay xilli laga dalbaday iscasilaad

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigii waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Intii aan madaxweynuhu soo gaarin magaalada Muqdisho ayaa waxaa wadada Maka Almukarrama ka dhacay debabadbax lagu taageerayo madaxweynaha, kaasoo la sheegay iney soo qabanqaabisay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa ka hor tegitaankiisa Imaaraadka Carabta tegay dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry oo ay ka wada hadleen arrimo badan xaaladda Soomaaliya iyo tan gobolka ku saabsan.

5-tii bishaan ayaa xildhibaano kor dhaafaya 100 xildhibaan waxey madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen inuu casilo kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku guuldareystay howlihii loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda la hadlo warbaahinta, inkastoo aan la ogeyn inuu ka hadli doono baaqii xildhibaanada iyo inkale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!