Madaxweyne Xasan oo cambaareeyey falkii Alshabaab ku laayeen dad Kenyan ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo cambaareeyey falkii Alshabaab ku laayeen dad Kenyan ah

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqii shalay AlShabaab ay ka geesatay deegaan ku dhow degmada Mandheera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyay falkii Shabaab ay ku xasuuqeen 28 rayid ah oo la socday gaari bus ah oo ka baxay degmada Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Kenya uga tacsiyeeyay dadkii argagixisadu ay ku leeysay deegaan 15 kilo mitir u jira degmada Mandheera.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in labada dowladood Kenya iyo Soomaaliya ay ka go’antahay la dagaalanka Alshabaab, ayna sii xoojin doonaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxdaasi.

Sidoo kale, R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay falkii Alshabaab ay ku xasuuqday dad rayid ah oo la socday gaari Bas ah oo marayay nawaaxiga degmada Mandheera.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa dowladda iyo shacabka Kenya uga tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa ee lagu xasuuqay nawaaxiga degmada Mandheera.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka 28 Kenyan ah, kuwaasoo loo dialy diinta Kiristanka oo ay heysteen.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!