Madaxweyne Xasan oo booqasho kedis ah ku tegay Garbahaarrey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo booqasho kedis ah ku tegay Garbahaarrey

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbohaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay gegida diyaaradaha ee Garbohaarreey, mas’uuliyiinta gobolka, Saraakiisha ciidammada qalabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa uu kulammo la yeeshay mas’uuliyiinta gobolka iyo dadka deegaanka oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan nabad gelyada gobolka iyo abaaraha saameynta ku yeeshay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gedo.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheikh ku tago Garbohaarrey. Madaxweynaha ayaa horay u booqday magaalooyinka Xudur, Buulo-barde, Kismaayo, Jowhar iyo magaalooyin kale.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!