Madaxweyne Xasan oo baaritaan caafimaad ugu safray Jarmalka

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaanta arrimo caafimaad ugu amabaxay dalka Jarmalka.

Lama sheegin xanuun rasmi ah oo haya madaxweynaha, hase ahaatee warar warbaahintu heshay ayaa sheegaya in bilihii la soo dhaafay dhowr jeer xanuun aan badneyn uu dareemay, lana gaaray waqtigii uu mari lahaa baaritaan caafimaad oo ah mid guud.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu muddo 10-casho ah ku maqnaan doono dalka Jarmalka, iyadoo safarkiisa Jarmalka uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu ku tago dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo la sheegayo inuu sii mari doono dalka Turkiga oo ay ku sugan yihiin carruurtiis uuna ug sii gudbi doono dalka Jarmalka.

Sanadkii hore ee 2014 bishaan Febaraayo oo kale ayay aheyd markii madaxweyne Xasan uu baaris caafimaad u aaday dalka Turkiga, waxaana xilligaas la faafiyey in xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245