Madaxweyne Xasan: Nabad & Maamul Wanaag Ayaan Ka Rabnaa Dhamaan Goboladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Nabad & Maamul Wanaag Ayaan Ka Rabnaa Dhamaan Goboladda Soomaaliya

Muqdisho Soomaaliya October 6, 2013: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamud ayaa Casho Sharaf u sameeyay ergadii ka socotay Jubbooyinka.

Cashada ka hor ayaa waxaa la soo bandhigay heeso wadani ah iyo riwaayado muujinayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale casho sharafta waxaa lagu casuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mudane Teodrus Adhonom, Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamud ayaa wuxuu yiri “Shalay ninkii ku mashquulo berri ayaa dhaafto” sidaas darteedna wuxuu kula dar darmay ergada Jubooyinka iyo Madaxda in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan midnimadda iyo horumarka umadda Soomaaliyeed ee ku nool goboladda.

“Waxaan u rabnaa nabad iyo maamul wanaag dhamaan goboladda Soomaaliya. Muhiimadda waxa weeye Soomaaliya oo mid ah oona nabad ah”

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay “Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya caawa wuxuu marayaa meshii ugu wanaagsaneyd. Baal cusub ayaa noo bilawday waana u mahad celinayaa Dowladda Itoobiya dadaalka ay ku bixineyso in ay Soomaaliya nabad ka dhalato

“Waxaa la yaab ah in Wasiirka arimaha Dibadda ee Itoobiya uu Muqdisho seexanayo si nabad ahna ku dhex socdo. dad aan Wasiir iyo wax u dhaw aheyna ay dhahaan Muqdisho ama Soomaaliya waa khatar oo lama tegi karo.” Taasna waa mid aan la yaabnay

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Maamulka KMG iyo ergooyinka Jubbooyinka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!