Madaxweyne Xasan: Musa Haji marna la taliye kama noqon xafiiskegya

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey in nin la taliye u ah uu ku lug lahaa hub ay dowladdu leedahay uu Alshabaab loo gacan geliyey. Arrinkaas oo ay horay u sheegeen kooxda kormeerka cunaqbateynta hubka Soomaaliya iyo Eretria.

Warixinta kooda UN-ka ayaa lagu sheegay in nin lagu magacaabo Musa Haji Mohamed Ganjab, oo ah ganacsade qaab la taliyey ula shaqeeya madaxweyne Xasan uu hub gudbiyey Alshabaab.

“Ma jiro nin lagu magacaabo Musa oo ah la taliye ka tirsan xafiiskeyga, xitaa weli sooma marin xafiiskeyga, waxaana jeclaan lahaa in kooxda kormeerku cadeeyaan cidda uu yahay Musa Haji” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay France24.

Kooxda la socodka cunaqavateynta hubka Soomaaliya iyo Eretria ayaa dhawaan soo saartay warbixin cusub oo ay ku sheegtay in hubka dhawaanahan ay la imaaneysay Soomaaliya lagu iibiyo suuqyo furan oo ku yaalla Muqdisho.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %