Madaxweyne Xasan: Looma Dulqaadan Doono Beegsiga Weriyaasha Soomaaliyeed

Read Time:1 Minute, 46 Second

Muqdisho, Oct 23, 2013, (Mareeg.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamuud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV, oo shalay dabley hubeysan dhaawac culus ugu getsteen deegaanka Madiina ee magaalada Muqdish.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa hay’adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno cidii isku dayga dil u geystay Timacadde oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii ka soo gaaray falkaas arxan la’aanta ah.

 

Madaxweynaha ayaa yiri “Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timacadde”.

 

“Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo jibaartaan howlaha muhiimka ah ee aad ummadda u heysaana, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda” ayauu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan oo oo weriye Timacadde EEBBE uga baryey inuu caafimaad buuxa siiyo.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha dilaya weriyaasha aya doonayaaan iney caalamka tusaan in Soomaaliya aysan nabad aheyn, wuxuuna sheegay inaan falakooda loo dulqaadan doonin.

 

“Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go’an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo cidii lagu helo inay ka danbeeyaan falalka noocan oo kale ah.” Ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

 

Dhanka kale, ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyey beegsiga lagu hayo howlwadeenada warbaahinta Soomaaliya, iyadoo sanadkan la dilay ilaa afar suxufi oo ka howl galayay qeybaha warbaahinta dalka.

 

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawaca ay maanta kooxo hubeysani u geysteen wariye ka howlgala TV-ga Universal Maxamed Maxamuud Timacadde, waxaana uu ku tilmaamay falkan mid ka baxsan bani’aadannimada isagoo caafimaad deg deg ah u rajeeyay wariyaha la dhaawacay.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa horay u balan qaaday 50-kun doolar cidii soo sheegta ama wax ka abaabushay dilalkii Suxufiyiintii loo geystay.

 

Dabley hubeysan ayaa shalay barqadii Muqdisho dhaawac culus ugu geystay weriye Maxamed Max’ud Timacadde, xilli uu gaari ku marayey deegaanka Madiina oo uu degan yahay.

 

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %