Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2015 uu noqon doono sanad si weyn looga hortago musuqa.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay inaan la qabali karin in la cuno hanti loogu talgalay dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed.
“Lama aqbali karo in nin ama naagi cunto wixii loogu talagalay qofka qaxootiga ku ah Dhadhaab iyo haweeneyda qalqalooca ee qalfoofta ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah xafiisyada dowladda ee la rumeysan yahay iney ku takrifalaan hantida qaranka, iyadoo RW ugu dambeeyey ee xilka laga tuuray la sheegay in lagu bixiyey dhaqaale xoog leh.
Dad badan ayaa is weydiinaya sida uu dhab u noqon karo warka madaxweyne Xasan, xilli siyaasiyiinta shakiga badan laga qabo ay isga ku garab yihiin.