Madaxweyne Xasan: Laamaha Amaanku Waa Iney Dedejiyaan Baarista Dilkii Dhaqtarada

Read Time:1 Minute, 5 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee shalay deegaanka Siinka Dheer ee Muqdisho loo geystey Dhakhaatiir isugu jiray Soomaali iyo Syrrian iyo ilaaalo la socotay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.

“Dowladda waxaa ka go’an in lasii wado nidaamka lagu soo celinayo kala danbeynta, dowladnimada, sumcadda, karaamada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka Dhakhaatiirta in sharciga la horkeeno.

Madaxweyne Xasan wuxuu usoo jeediyey laamaha amaanka iney dedejiyaan baaritaanka ku saabsan dilka dhaqaatiirta oo noqday mid ay ka naxaan umadda Soomaaliyeed.

Falkan ayaa si arxan la’aan ah loogu dilay Dhakhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Syria iyo mid Soomaali ah oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Syria uga tacsiyeeyey geerida 3-da takhaatiir ee Siiriyaanka ah oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %