Madaxweyne Xasan: Laamaha amaanka waxaan ka sugeynaa baaritaan natiijo leh

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxeweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) ayaa hay’adaha amaanka faray iney sameeyaan baaritaan ku aadan dilka xildhibaankaas.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka arrimahaan inay si deg deg ah war uga keenaan falkaan iyo falalka noocaan oo kala ah ee ka dhacay Muqdisho.

“Hey’adaha Ammaanka ee ay shaqadoodu tahay inay ka hortagaan falkaan oo ay kooxaha nabad diidku sameyeen nooca ay doonaanba ha ahaadeene waa inay sababtu soo cadeeyaan. Hey’adaha amniga waa inay sameyaan baaritaan natiijadiisu aan ka sugi doono. Shacabka Soomaaliyeed uma dulqaadan karo sii socoshada dilalka qorsheysan ee kooxaha naf lacaariga ah sameynayaan” ayuu yir madaxweyne Xasan Sheekh.

Weeraro hore oo Alshabaab ka geysteen Muqdisho ayaa sidaan oo kale madaxda dowladda amar ugu bixiyeen iney sameeyaan baaritaan, hase ahaataa baaritaanadaas inta badan sooma saaraan natiijo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245