Madaxweyne Xasan: Kenya iyada ayaa calaameysatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Kenya iyada ayaa calaameysatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muranka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee la xiriira badda ay bilowday Kenya, dowladdana Soomaaliyana arrintaas ka dacwootay.

Madaxweyne Xasan oo ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dad farabadan ayaa sheegay in dowladda Kenya markii hore calaameysatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, kadibna hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh u gudbisay, una sheegtay iney dhulkaas leedahay.

“Horta waan inaad ogaataan, Kenya ayaa calaameysatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, kadina sheegtay iney leedahay, waxaana haataan aan idinla hadlayo meelo ka mid ah jooga shirkado ajnabi ah oo sahan ka haya, markaas dowladda Soomaaliya waxey qortay dacwad ku saabsan damaca Kenya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan in Kenya aysan badda Soomaaliya ku heli doonin sheegasho, dhanka kalana dowladda Soomaaliya u digtay shirkadaha halkaas sahanka ka wada, oo qaarkood isaga tageen, halka qaar kalana weli baaritaan ka hayaan.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in shirkadaha ajnabiga ah ee badda Soomaaliya sahanka ka wada ee Kenya keentay uu habeen kasta ganaax ku socdo.

“Meeshaan anaa leh bad laguma helo, Kenyana sidaas wax kuma heli doonto, shirkadihii halkaas ka howlgelayey waan wargelinay, qaar wey ka tageen, qaarka joogana habeen kasta ganaax ayaa ku kordhaya” ayauu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhawaanahan ayaa waxaa la hadal hayey khilaafka u dhaxeeya dowladaha Somaaliya iyo Kenya, waxaana dadka dowladda Soomaaliya dhaleeceeya ku doodeen inaan dowladdu wax weyn ka qaban damaca Kenya ku boobeyso badda Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!