Madaxweyne Xasan "Kadare kayd dhaxalgal ah ayuu uga tegey shacabka Soomaaliyeed" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan “Kadare kayd dhaxalgal ah ayuu uga tegey shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii saaka ku timid Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa aqoonyahannada Soomaalida ee wax qora.

Madaxweyne Xasan ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa ‘halgamaa taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka galay’.

“Aad baan uga naxay geerida marxuum Kadare. Waan hubaa inuu kayd dhaxalgal ah uga tegey shacabka Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatay halganka gobanimadoonka, suugaanta iyo gacantii uu ka geystey dadaalkii la doonayay in lagu qoro farta Soomaaliga, waa kuwo mar walba lagu xusi doono diiwaanka dadka naftooda u hurey inay waddankan horumar gaarsiiyaan,” ayuu war-saxaafadeed ku yiri madaxweynaha.

War-saxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay inuu Kadare caan ku ahaa suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi-baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida iyo weliba nabadeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib muddo uu xanuunsanayey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!