Madaxweyne Xasan Iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Itoobiya Oo Ku Kulmay Villa Somalia

Read Time:47 Second

Muqdsiho – (Mareeg.com): Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrunta madaxtooyadda ku qaabilay wasiirka arimahha dibadda ee dowladda Itoobiya Tedros Adhonom oo booqasho ku yimid Muqdisho.

War kooban oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhonom ay ka wad hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dale e Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, warka kazoo baxay dowladda Soomaaliyaa ayaa lagu sheegay in laga wada halday sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dalgaalka lagula jiro Alshabaab oo ay sheegeen iney khtar ku hayaan amaankia labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb-galo xiritaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Itoobiya ayaa Soomaaliya usoo dirtay ciidamo aan tiradooda la garaneyn si ay ula dagaallalaan Alshabaab, waxeyna ku sugan yihiin gobollada Baay, Gedo Hiiraan iyo Galgaduud.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %