Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray magaalada Garowe

Read Time:1 Minute, 10 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarrunta u ah maamulka Puntland.

Wadfida madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim Xaajir Cumar, Wasiiro, Xildhibaano iyo shacabka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo madaxdii kale ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland intaa ka dib waxa uu salaan gacan qaad ah ku maray Garoonka isagoo mid mid u salaamay masuuliyiinta iyo madaxda Garoonka ku sugnaa.

Wafdi ayaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana kulan kooban dhex maray wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Puntland iyo ma’suuliyiinta kale ee Puntland.

hassan

Kulanka ka dib ayey siwada jir ah saxaafada ula hadleen, ugu horayn waxaa hadlay madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey Puntland.

Gaas ayaa xusay in ujeedka ay u yimaadeen wafdiga madaxweyne Xasan uu yahay ka qaybgalka wajiga labaad ee shirka madaxda maamulada federaalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad uga mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Garoowe, wuxuuna dhanka kale sheegay inuu u tegay Garowe inuu furo shirka wadatashiga madaxda maamulada iyo federaalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda Puntland uu la qaadan doono kulamo looga hadlayo danta guud ee dalka oo uu xusay in sanadka 2016ka la doonayo in doorasho xor ah ka dhacdo.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.