Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Saacid Oo Kala Booday (Xafiiska Baneey Iyo Baneey Maayo)

Read Time:1 Minute, 24 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Warar maanta soo ifbaxay ayaa tibaaxaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dalbaday R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu iscasilo kadib markii labada mas’uul isku khilafeen sida loo ballaarinayo golaha wasiirada oo hadda ah 10 wasaaradood.

Wararka ilaa hadda soo baxay, balse aan rasmiga aheyn ayaa sheegaya in R/wasaare Saacid diiday inuu is casilo, taasina keentay in khilaafku sii adkaado.

Markii arrintaasi dhacdday ayaaa labada mas’uul bilabeen latashiyo ay la sameynayaan la-taliyaashooda iyo xubnaha golaha wasiirada iyo baarlamaanka oo la sheegayo iney la kala jiraan madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu kalsoonidii ka waayay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, iyadoo khilaafkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo soo dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saacid oo muddo hal sano ah wada-shaqeynayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu saaka ilaa duhurkii qaabilayay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wasiiro, isagoo kala hadlayay arrinta is casilaada Ra’iisul Wasaaraha uu ku wargeliyay.

Waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in qaar ka mid ah wasiiradu is casilaan, gaar ahaan wasiirada ku dhow dhow Madaxweynaha, hadii ay arrinta sii cuslaato.

Ra’iisulwasaare Saacid ayaa dhawaan sheegay in waqtiga xilkiisu ku egyyahay sanadka 2016, isagoo dhanka kalana sheegay in golaha wasiirada la gaarsiinayo ilaa 23 wasiir.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaaa muddo la hadalhaye in la ballaarinayo, hase ahaatee waxaa hadda muuqata in markii ugu horreysay muddo sanad ah ballaarinta wasiiradu khilaaf ka dhex abuurtay madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Saacid.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa labadooduba ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, iyadoo weli ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo iska soo horjeed.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %