Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa cambaareeyey qaraxii iyo weerarkii manta Alshabaab u geysteen saldhiga booliska magaalada Baledweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah”.
“Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah. Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.” ayuu sidoo kale yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii fuleynimo ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
“Waan cambaareynayaa weerarkaasi fuleynimada ah ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne oo aheyd halka lagu kala garsooro dadweynaha, maalin kastana laga fuliyo howlaha adeega dadweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuuna alle uga baryaya inuu janada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka baxeen iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed.
“Kooxaha nabadiidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon.
Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.
Mareeg.com