Madaxweyne Xasan iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay caqabadaha jira

Read Time:1 Minute, 2 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galab aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha nabadgelyada iyo ammaanka Peter Thomas Drennan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh Maxamed iyo Peter Drennan ay ka wada hadleen caqabadaha kala duwan ee haysta dowladda federaalka ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo Qarammada Midoobay.

Wakiilka xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha nabadgelyada iyo ammaanka Peter Thomas ayaa bogaadiyay horumarrada ay samaysay dowladda Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay, isagoo xusay in Qarammada Midoobay ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hadlay dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ku soo fool leh qeybo ka tirsan dalka,wuxuuna ka codsaday Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka inay gargaar bani’aadannimo gaarsiiyaan dadka dhibaateesan, si looga hortago inay dhacdo abaar lamid ah tii sanadkii 2011-kii ka dhacday Soomaaliya.

Xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-moon ayaa dabayaaqadii bishii April ee sanadkan wakiilkiisa arrimaha nabadgelyada iyo ammaanka u magacaabay Peter Thomas Drennan oo u dhashay dalka Australia, isagoo baddelay Kevin Kennedy oo u dhashay dalka Mareykanka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.