Madaxweyne Xasan: Iran waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Iran waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena

Muqdisho, 10 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha kula jirtey, sababtaasi awgeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka ugu jartey.

“Xukuumadda Iiraan oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka. Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xiriira, ayaan goosaney inaan xiriirka u jarno si aan ugu turno dalka iyo shacabka u ooman nabadda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka sheegaya in sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartey Iiraan ay la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.

“Dacaayadaha ku saabsan inaan taageerada Sacuudiga awgeed xiriirka ugu jarney Iiraan sax ma ahan. Muddo ayaan si hoose dabagal ugu hayney dhaqdhaqaaqa saraakiil reer Iiraan ah oo mad-habta Shiicada ku faafinayey Soomaaliya. Saraakiishaasi waxay horey uga soo hawlgaleen dalal kale oo hawlo noocaani ah ay ka soo qabteen. Haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Ilaahay mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore xiriirka u jartay dowladda Iran, iyadoo dublamaasiyiinta reer Iran lagu amrkay iney dalka uga baxaan muddo 72 saacadood ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!