Madaxweyne Xasan: Howlgalka Nabad Ku Afur ayay dowladdu diyaarisay

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa sheegay in dowladdu diyaarisay howlgal loogu magacdaray “Nabad Ku Afur”, kaasoo looga hortegayo weerrarada Alshabaab.

“Barnaamjika Nabad Ku Afur, waa barnaamij nabadeed, waa barnaamij amaan oo loogu talagalay in shacabka Soomaaliyeed nabad ku afuraan, nabadna ku suxuurtaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kooxaha Nabad diidka ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay caadeystay iney shacabka qalqalgeliyaan marka ay afurayaan ama marka xusuuranayaan, marka barnaamijkaas waa barnaamij lagu sugayo nabadda” ayauu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Alshabaab ayaa horay looga bartay iney dagaallada iyo weerarada badiyaan marka la gaaro bisha Ramadaan, waxeyna dhawaan soo saareen hanjabaad arrintaas la xiriirta.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245