Madaxweyne Xasan "Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha xildhibaanka dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan “Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha xildhibaanka dilay

Madaxweyne Xasan “Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha xildhibaanka dilay.

 

Muqdisho- November 07 2015-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac saaka Muqdisho loogu geystay.

 

Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

 

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayashu dhuumaaleysanaya ee maanta sida fulaynimadda ah u toogtay MarxuumkMaxamed Axmed.

 

Wixii faafaahin dheeraad ah kala xirriir

Shador Haji

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda

E-Mail: shadorhaji@presidency.gov.so

Website: www.villasomalia.gov.so

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.