Madaxweyne Xasan iyo gudoomiye Jawaari oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan iyo gudoomiye Jawaari oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo

Baydhabo – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo wafdi la socda ayaa xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kadib markii uu shalay halkaas gaaray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maqribnimadii xalay gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku biiray wafdiga ka socda dowladda oo saakay gaaray Beydhabo islamarkaana uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo shir jaraa’id ku qabtay Baydyabo ayaa sheegay in madaxweynaha wafdigiisu xalay ku hoyanayeen magaalada.

Saransoor ayaa sheegay in qorshaha wafdiga madaxweynuhu u tegay Baydhabo uu yahay u kuurgelidda howlgallada ka socda gobolka Baay, sida uu yiri.

“Qorshaha socdaalka madaxweynaha waa sidii uu ugu kuurgeli lahaa howl-gallada ka socda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya,“ ayuu Aadan Saransoor.

Inkastoo Aadan Saransoor sheegay in madaxweynuhu u kuurgelayo howlgallada ka socda gobolka Baay, haddana waxaa muuqata in sababta loo tegay halkaas ee madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka halkaas geeyey ay xal u raadinta khilaafka u dhaxeeya labada maamula ee 6-da iyo 3-da gobolk.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.