Madaxweyne Xasan: Gudoomiye gobol ee kasta waxaa hoos imaanaya booliska & nabadsugidda

Read Time:46 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gudoomiye kasta ee gobol uu mas’uul ka yahay amaanka gobolka uu maamulo.

Madaxweyne Xasan ayaa hadalkaan jeediyey kadib markii shalay khudbad ka jeediyey shirweynaha looga hadlayo amaanka qaranka ee ka furmay Muqdisho, islamarkaana socon doonaa ilaa 23-ka bishaan April.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in gudoomiye gobol oo kasta ay hoostegi doonaan ciidamada booliska iyo nabadsugidda, sidaas darteedna uu gudoomiyuhu mas’uul ka yahay amaanka gobolka uu madaxda ka yahay.

“Gudoomiye kasta oo uu ugu horreeyo gudoomiyahan gobolka Banaadir Xasan Muunagaab hadda kadib waxaa hoos imaan doona ciidamada booliska iyo nabadsugidda, waxaan saaran mas’uuliyada dhinaca ammaanka, waxaa uu la xisaabtamayaa Talisyada hey’adaha ammaanka ee hoos tagaya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Horay ciidamada booliska iyo nabadsugiddu waxey toos u hoos imaan jireen talisyadooda, iyadoo gudoomiyaasha gobolladu ay heysteen ilaalo u gaar ah, taasoo keentay ineysan jirin isku xirnaan maamulka iyo ciidamada amaanka ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.