Madaxweyne Xasan: Beesha Caalamka faragelin kuma heyso Siyaasadda Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan fara gelin ku heyn Siyaasadda Soomaaliya balse ku tilmaamay in Soomaaliya ay ka taakuleyso dhinacyo badan.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ay taageero dhan walba ay la garab taagyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sikastaba, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in aanu muujin wax baqdin oo ku aadan isbadalka la filayo in Dalka uu ka dhaco Sanadda 2016 waxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in horey loo socdo.
Comments are closed.