Madaxweyne Xasan: Gobolka Banaadir laguma dari maamul goboleed

Read Time:27 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamulka laga dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose uusan ka mid noqondoonin gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, ayna leedahay ahmiyad gaar ah, sidaa darteedna aan lagu dari karin maamul-goboleed.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan uga jawaabay su’aal ku aaddanayd arrintaas oo uu warbaahinta dowladda u marsiiyay muwaadin Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweynaha ayaa meesha ka saaraya hadallo waayanba la isla dhexmarayay oo sheegaya in gobolka Banaadir uu maamul-goboleed la wadaagi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.