Madaxweyne Xasan, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo tegaya Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo tegaya Garowe

Mareeg.com: Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha maamulka KMG ah ee Juba, Axmed Madoobe iyo madaxweynaha maamulka KGM ah ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa la filayaa iney maalmaha soo socda gaaraan magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland.

Maamulka magaalada Garowe ayaa sheegay inay u diyaar-garoobayaan soo dhaweynta saddexdaas mas’uul, inkastoo aysan shaacin waqtiga ay tegayaan Garowe.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa u tagaya magaalada Garoowe ka qaybgalka wajigii 2-aad shir ay ugu yeesheen Muqdisho oo ka dhici doona Garowe.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in wufuudda kasoo hormari doona madaxweyaha Somalia iyo mas’uuliyiinta maamullada gobollada la filayo inay maanta gaaraan Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa oo maalmahan ku sugna daalka Itoobiya isna maanta dib ugu laabtay Garowe, wuxuuna sheegay in wajiga labaad ee shirka uu furmi doono 29-ka bishaan Abriil oo ku beegan Arbacada soo socota.

C/weli Gaas ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe ku sheegay in madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamullada la filayo inay Puntland soo gaaraan si ay uga qaybqaataan shirka wadatashiga ah ee Garoowe.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!