Sagootinta Madaxda iyo wefdiyada la socday waxaa sidookale ka qeyb-qaatay Madaxwyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire, wasiiro, xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland, Saraakil ciidan, iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kahor intaanu kadhoofin garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland waxaa uu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta maamulka Puntland iyo Kooxda Baanbeyda, iyadoo ay halkaasi ugu diyaarsanaayeen diyaaradihii ay ku kala raaci lahaayeen magaalooyinka Muqdisho, iyo Baydhabo.
Sidookalena Madaxweynaha Maamulka Jubba Axamed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa saacad kadib ka duulay garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe una anbabaxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel-gaadhka ah ee Maamulka Jubba-land.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah oo maalmihii ugu dambeeyey kusugnaa caasimadda puntland ee Garoowe halkaas oo uu ka socdey shirkii madasha wadatashiga Dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah uuna maanta kasoo baxay war-murtiyeed lagu kala saxiixday qodobbo waxtar weyn u ah masiirka ummadda Soomaaliyeed.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.