Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda dalka Kenya inaysan ku dhaqaaqin qorshe ay xuduudda ay la wadaagaan Soomaaliya uga dhisyaan darbi.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xusay in darib laga dhiso xadka labada dal uusan celin karin dagaalyahanada Alshabaab.
Xasan Sheekh oo la hadlay VOA ayaa sheegay in qorshaha al-Shabab ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa uu ahaa inay ku kala qeybiso Masiixiyiinta iyo Muslimiinta dagan Kenya, balse aanay taasi u suurto galin.
Xasan Sheekh ayaa dhanka kale beeniyay in qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dadab ay ku lug leeyihiin amni-xumada ka jirta Kenya. Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in darbiga Kenya ay damacsan tahay inay ka dhisto xadka uu yahay talaabo aan fiicnayn oo aan joojin doonin cadaawadda iyo fikirka al-Shabab.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay inay al-Shabab la hadlayaan iyo in kale. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in laba cafis u fidiyeen dhalinta iyo hoggaanka al-Shabaab, qaarkoodna ay ka faaideysteen, wuxuuna sheegay inay dowladdiisu ay sii wadayso inay la hadasho ciddii al-Shabaab ka tirsan ee joojisa fikirka Takfiriga ah iyo rabshadaha.