Madaxweyne Xaaf oo dowladda ka dalbaday in la siiyo 20 Xildhibaan — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xaaf oo dowladda ka dalbaday in la siiyo 20 Xildhibaan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka GalmudugAxmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Ku wadahadlay qadka taleefoonka, iyagoona isku soo hadal qaaday Dhismaha maamulka Galmudug

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf uu dowladda ka dalbaday in la siiyo 20 mudane oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in dowladda Soomaaliya ay arintaasi Ku gacan seertay.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Ku doodaya In Ahlusunna ay dowladda u ogolaado 20 mudane, isna laga diido arintaasi aysan suurtagal noqon doonin.

Khilaafkii ugu xumaa ayaa u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa uu weli ka wadaa kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo doorashada maamulka Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!