Categories
Af Soomaali Africa Somalia

Madaxweyne Waare & Saraakiisha AMISOM oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha  Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Madaxtooyada Jowhar ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaannada Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa ay kaga wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira dhinaca ammiga deegaannada dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Saraakiisha ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howlaha Ciidamada AMISOM Gaar ahaan Taliska Sector 5 ee ka howlgala Hirshabelle iyo qorshayaasha la xiriira sugida amniga.

Madaxweyne Waare ayaa dhanbkiisa Saraakiisha kaga mahadceliyay dadaalkooda la xiriira sugida amniga, sidoo kale waxay ka wada hadleen qorshaha kala guurka amisom xoojinta wadashaqeynta Hey’adaha amniga iyo Amisom.

By Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga