Madaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Read Time:37 Second

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta hoygiisa uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku booqday,isagoo kulan gaar ah la qaatay.

Kulan labada dhinac dhaxmaray ayaa waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka uu jiro iyo culeysyada ka jira dhanka amniga Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadlay qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay Shirkii dhawaan Kismaayo ay ku yeesheen madaxda maamulka Goboleedyada dalka iyo cilaaqaadka sii xumaanaya ee ka dhexjira dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulankooda kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %