
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan kulamo kula leh Odayaasha dhaqanka magaaladaasi,kuwaas oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.
Kulamadani ayaa u jeedkoodu yahay, sidii xal looga gaari ahaa khilaafka dhinaca maamulka ee ka jira degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan,kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulkaas uu Maamul Cusub u Magacaabey degmadaas,hayeeshee ay kasoo horjeesteen Odayaasha @ waxgaradka degmada.
Sidoo kale kulamada ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka Bula burde oo ay dalbadeen waxgaradka deegaanka,sida ay sheegeen dad kulanka qeyb ka ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa muddo ka badan laba todobaad ku sugan degmada Buulo Burde,isaga oo halkaasi u tegay xalinta khilaafka Maamulka ah balse ay dhaceyn banaanbaxyo looga soo horjeestay.