Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Trump oo fariin lama filaan ah u diray Ilhaan Cumar (AKHRISO)

8

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Ilhan Cumar oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Senate-ka in ay iscasisho, kadib markii uu Trump ku eedeeyay Ilhaan in ay adeegsatay ereyo Yuhuud naceyb ah oo ay ku qortay boggeeda Twitterka.

Congress-ka Mareykanku meelna kuma lahan Yuhuud Naceybku”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Donald Trump.

“Waa inay iska casishaa Kongresska amaba hubaal guddiga arrimaha dibada oo ay xubinta ka tahay.”ayuu yiri Trump oo kutilmaamay cudurdaarka ay ka bixisay hadaladeeda Ilhan Cumar in uu yahay mid daciif ah.

Ilhan Cumar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay kana mid ah xubina ka ah Congresska dalka Maraykanka ayaa eedeyn kala kulantay xisbiga Dimuqraadiga iyo Jamhuurigaba kadib markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka ee ay uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Afhayeenka Kongresska Nancy Pelosi iyo hogaamiyaasha kale ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa sidoo kale cambaareyay hadalka Ilhan waxana ay ugu baaqeen inay cudurdaar ka bixiso taasoo ay aqbashay Ilhan cudurdaarna ka bixisay hadaladii ay ku weerartay ururada Yuhuuda taageera.

Si kasta ha ahaatee, Ilhan Cumar ayaa u muuqata siyaasi geesi ah mana jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay ka bixisay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Trump.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!