Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiir Cusub
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4923/072017 uu xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday WasiirkiiHore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada, kuna magacaabay wasiir cusub.
Xilka Qaadista Madaxweynuhu ku sameeyey wasiirku waxay u dhignayd sidan:
Ku: Mudane, Cali Xaamud Jibriil
Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyoTechnology-yada
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Mudane Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka eeWasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada.
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meertonoqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah uguwareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.
Magacaabista Madaxweynaha ee Wasiirka Cusub.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo
Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka WasaaraddaXidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada ee Somaliland.
Comments are closed.