Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Koonfur Galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfon Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay  in Ururka Al Shabaab laga saari doono deegaanada ay ka joogaan Gobolka Baay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Shariif Xasan in Al Shabaab hal dhinac looga soo horjeesto si looga guuleysto loogana saaro Deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jiro Ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay Xaflad loogu dabaal degayay sanad guuradii labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Hadalkaan ka sheegay.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!