Madaxweyne Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goor dhow soo gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa, isagoona ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Muqdisho ayaa waxaa hore u joogay Madaxwayne Goboleedyadda Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle oo ka qeyb galaya Shirka madaxda DF iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa isna weli safar ugu maqan Turkiga, waxaana maqnaanshaha Qoorqoor iyo Laftagareen uu sabab u noqday dib dhac ku yimid shirka loo balansanaa.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo lagu doonayo inay heshiis rasmi ah Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga gaaran doorashada dalka ka dhaceysa iyo khilaafka taagan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.