Madaxweyne Qoorqoor oo kulan xasaasi ah la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika

Read Time:29 Second

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya Amb Francisco Madera.

Labada mas’uul, ayaa ka wada hadlay dadaalada lagu hormarinaayo hawlaha Amniga ee deegaanada Galmudug iyo sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen qorsheyaasha amniga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla soo qaaday arimaha doorashooyinka ee muranka ka taaganyahay, iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ku aadan doorashada ee ka dhaxeeya madaxda Soomaalida.

Kulankan, ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dedaalo la isugu keenayo madaxda Soomaalida, kuwaasi oo ay hormuud u tahay beesha caalamka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.