Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shaabab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shaabab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay kormeeray furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanaada Sinadhaqo iyo labi-dulle ee hoostega Magaalada Dhuusamareeb oo dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii Al-shabaab maalmo kahor loogla wareegay deegaanadii uu tegay ku boggaadiyay howlghalka ay fuliyeen, isagoo Ciidanka faray inay sii wadaan.

Isaga oo warbaahinta la hadlaayay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin xoojinta iyo garab istaaga Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa maamulkiisa, isla markaana ay ku taageeraayan howlgalada socda.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay in inay difaac u yihiin maamulo kale oo ay ka hortaagan yihiin weerarada Al-shabaab, wuxuuna yiri “Maahan Galmudug oo kaliya maamulo ayaan ka hor taaganahay oo aan hubo haddii aanan hortaagneyn ay dhaqso ku gaari lahaayeen, annagaa hortaagan oo difaaceyna”.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo maalin kahor safar ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka ayaa gelinkii dambe ee shalay di ugu soo laabtay Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.