Madaxweyne qaatay Go’aan waan-waan ah oo bilaabaya Doorashada Aqalka Sare * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne qaatay Go’aan waan-waan ah oo bilaabaya Doorashada Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa saakay dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkiisa iyo qeybaha Bulshada oo lagu sii diyaariyey gudaha Garoonka.

Sababta uu dib ugu laabtay Madaxweyne Lafta-gareen, Baydhabo ayaa waxaa ay tahay sida la sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu bilaabi doono qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare, xili muran xoogan uu ka taagan doorashada dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, si loo xalliyo tabashooyinka jira, waxaana uu xiriiro la sameeyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Lafta-gareen ayaa Madaxweyneyaasha kala hadlay khilaafka ka tagaan doorashada iyo tabashooyinka ay qabaan, waxaana Madaxweyne Cabdicaiis uu sheegay in meel wanaagsan u marayo dadaalada u wado.

Go’aanka dhex-dhexaadinta ah ee uu qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku gaaray kulankii dhexmaray isaga, Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Midowga Musharaxiinta, kaasi oo looga hadlay caqabadaha ku hor gudban doorashada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.