Madaxweyne Muuse Biixi oo saaka safarkiisii ugu horeeyey ugu ambabaxaya dibeda

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti
Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay saaka in Madaxweyne Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood.

Sacad Cali Shire ayaa intaas ku daray in sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadlayaan  xoojinta xiriirkooda ganacsiga, socdaalka, nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqanka.

JJabuuti waxa ay wafdigii ugu ballaarnaa oo afar wasiir iyo xubno ka tirsan baarlamaankeeda u soo dirtay xafladii caleemo-saarka Madaxweyne Muuse Biixi ee lagu qabtay magaalada Hargaysa 13-kii bishii December ee sanadkii hore.

Safarka Madaxweyne Biixi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacday Somaliland.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245