Madaxweyne Muuse Biixi Oo Loogu Baaqay In Uu Is Casilo
Hargeysa -C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Soomaaliland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi in uu Is Casilo.
Guddoomiye Cirro oo ka hadlayay war shalay ka soo baxay wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta, kuna sheegay in heshiikii Dekedda Berbera ay wax ku ogeyd dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay mid muujiyanayo in qiyaamo Qaran ay galeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu tilmaamay in ay been u sheegeen shacabka Soomaaliland, isagoona dalbaday in Maxkamad la soo taago Siilaanyo, sidoo kalena uu Is Casilo Madaxweyne Muuse Biixi.
Comments are closed.